28.1 C
London
Saturday, May 30, 2026

Kenya oo Joojisay Munaasabad Lagu Xusayay 18-ka May oo Ka Dhici Lahayd Nairobi

Nairobi – Dowladda Kenya ayaa joojisay munaasabad lagu maamuusayay 18-ka May oo qorshuhu ahaa inay ka dhacdo magaalada Nairobi, caasimadda dalka Kenya.

 

Munaasabaddan ayaa lagu waday in lagu xuso waxa Somaliland ugu yeerto maalinta gooni-isu-taagga, hase yeeshee dowladda Kenya ayaa hakisay qabsoomideeda, iyadoo la sheegay in sidoo kale la xiray qaar ka mid ah howlwadeennadii ku lugta lahaa diyaarinta iyo abaabulka xafladda.

Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay noqotay tii ugu horreysay ee dowladda Kenya si rasmi ah uga hortagto munaasabad la xiriirta xuska 18-ka May oo lagu qabanayo gudaha dalkeeda.

Tallaabadan ayaa kusoo beegantay xilli ay Nairobi xoojinayso xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, lama oga saameynta ay arrintani ku yeelan karto xiriirka Kenya iyo Somaliland, iyadoo munaasabaddan ay sanadihii hore si caadi ah uga dhici jirtay meelo kala duwan oo dibadda ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku adkaysatay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo kasoo horjeedda tallaabo kasta oo loo arko mid wax u dhimaysa madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

- Advertisement -
Latest news
- Advertisement -
Related news
- Advertisement -