10 C
London
Friday, March 6, 2026

Elias Bare Shill oo loo magacaabay Safiir Ku-xigeenka Kenya u fadhiya Soomaaliya

Elias Bare Shill oo loo magacaabay Safiir Ku-xigeenka Kenya u fadhiya Soomaaliya

Sabti, Febraayo 7, 2026 (HOL) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa magacaabis cusub ku sameeyay adeegga diblomaasiyadda dalkiisa, kuwaas oo si gaar ah u taabanaya xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Qoraal rasmi ah ayaa lagu shaaciyay in Elias Bare Shill loo magacaabay Safiir Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Elias Bare ayaa ka hoos shaqayn doona Safiirka Kenya ee hadda jooga Muqdisho, Kubai Iringo.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah sida Kenya sheegtay isbeddello ballaaran oo uu Madaxweyne Ruto ku sameeyay howlaha dibadda, kuwaas oo ay ku jiraan wareejin iyo buuxinta boosaska ka bannaan safaaradaha Kenya ee dalal kala duwan.

Dhanka kale, Safiir Joseph Warui ayaa dib loogu diray dalka Ruushka, halkaas oo uu Kenya uga matali doono magaalada Moscow. Sidoo kale, Mohammed Hussein Nur ayaa loo magacaabay Safiir Ku-xigeenka Kenya ee Tanzania.

Magacaabista Elias Bare Shill ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni, siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, xilli labada dal ay wadaagaan dano badan oo ku saabsan amniga gobolka iyo la dagaallanka argagixisada.

Kenya ayaa sheegtay in magacaabisyadan cusub ay qeyb ka yihiin ballaarinta joogitaankeeda diblomaasiyadeed, iyadoo hadda ay Kenya xiriir diblomaasiyadeed la leedahay in ka badan 72 dal iyo deegaan oo caalamka ah.

Elias Bare Shill wuxuu horey u soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, isagoo matalayay gobolka Garissa. 

- Advertisement -
Latest news
- Advertisement -
Related news
- Advertisement -